OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of Planning and National Development


Golaha Wasiiradda Qaranka Somaliland oo kulan la qaatay wafti ka socday Qaramada midoobay iyo Wasiirka Qorshaynta Mud. Cawale Ibrahim Shirwac oo ka warbixiyay Qodobada ay ka wada hadleen.

Wafti ka kooban Wasiiro iyo Xubno kale oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan , Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Eng Xuseen Ibraahim Buuni, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska; Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Maxamed, Agaasimaha Waaxda Horumarinta ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Cabdifataax Suldaan Aadan, Masuuliyiin ka socday Hay'adda Horumarinta Wadooyinka iyo Ku Xigeenka Maamulaha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF; Mudane Najax Maxamed Aadan , Ayaa Kormeer shaqo kusoo maray mashruuca dib u dhiska iyo dayactirka waddada isku xidha Xamaas ilaa Degmada Sheekh oo ay ku jiraan biriishyadda Cabaadwayne iyo Hunduse.

Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Harumarinta Qaranka ayaa kulan la yeeshay Hay'adaha Caalamiga ah ee ka hawlgala Somaliland

Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo shir u qabatay waaxaha Qorshaynta ee Wasaaradaha iyo Hayadaha Dawladda. shirkan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Agaasimayaasha waaxaha wasaaradaha iyo hay'adaha dawlada oo ka qabsoomay xarunta wasaarada qorshaynta ayay ujeedadiisu ahayd sidii loo daah furi lahaa isla markaana layskula falanqayn lahaa qaabkii loo diyaarin lahaa Qorshaha ay yeelanayaan wadaagayaasha ku bohoobay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee labaad (NDP2).

 Barnaamijka Caafimaadka Gobolada Sool iyo Sanaag ee laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF)